Childcare & Education (in Somali)

Daryeelka Carruurta & Waxbarashada

Dhamaanteen waan ognahay muhiimada ay leedahay xanaaneynta caruurteena iyo inaan hubino inay helaan bilowga ugufiican nolosha xaga caafimaadka, nafaqada, iyo waxbarashada.

Talobixinta caafimaadka, oo ay ku jiraan isku xirka goobaha NHS-ta ee loogu talagalay dadka ku nool Boqortooyada Midowday, waxaa lagu bixiyaa qaybta “Arrimaha Caafimaadka” ee boggan.

Waxaan ku soo darnay dhowr shay oo talo bixin ah oo ku saabsan nafaqada hoosta liiska cuntooyinka “Recipes” ee hoose.

Iyadoo la tixraacayo waxbarashada, wadamada reer galbeedka badankood waxay bilaabaan fasalo rasmi ah oo dowladu maalgeliso laga bilaabo da’da 4 ama 5 sano. Meelo badan xanaanooyinka iyo iskuuladu aad ayey uga badan yihiin, waana muhiim inaad doorato midka aad doorbideyso oo aad ku qorto magaca canugaaga. liiska sugitaanka sida ugu dhakhsaha badan. Nidaamka diiwaangelinta ilmahaaga wuu ku kala duwanaan doonaa waddanka aad ku nooshahay, iyo mararka qaarkood meelo kala duwan oo isla waddan ah.

Nidaamka doorashada dugsi ee loogu talagalay kuwa ku nool Boqortooyada Midowday waxaa lagu bixiyaa xiriirka ku lifaaqan.

https://www.gov.uk/schools-admissions/choosing-schools

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.