Housing (in Somali)

Guriyeynta

Qabanqaabada helitaanka hoy adiga iyo reerkaaguba way ku kala duwanaan doonaan hadba halka aad ku nooshihiin.

Haddii aad u baahan tahay guri, gudaha Boqortooyada Midowday (UK) iyo dalal badan oo reer galbeed ah waxaad la xiriiri kartaa Maamulkaaga Maxalliga ah ama waxaad tagi kartaa hay’ad kireynta guryaha gaarka loo leeyahay.

Haddii aad lacag badan haysato waxaad iibsan kartaa guri ama dabaq. Bangiyada iyo Ururada Dhismaha waxay amaahiyaan lacag si ay uga caawiyaan dadka inay iibsadaan guri ay ku noolaadaan, laakiin waxay kaa dooni doonaan inaad haysato deebaaji waxaadna u baahan doontaa inaad muujiso inaad haysato dakhli kugu filan si aad awood ugu yeelatid bixinta bil kasta amaahdooda.

Haddii aad guri la’aan noqotid oo aad ubaahantahay caawimaad deg deg ah markaa waa inaad marka hore laxariirtaa Maamulkaaga Deegaanka ama mid kamid ah hay’adaha samafalka ee khaaska ah sida “Hoyga” ee Boqortooyada Midowday. Ka eeg xiriiriyaha boggan.

http://england.shelter.org.uk/get_advice/how_we_can_help/housing_advice_helpline

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.