WAA MAXAY MENOPAUSE

Qoraalkani waa qaybtii ugu horeysay ee ah Soomaali iyo Ingiriis oo aan u diyaariyay dumarka Soomaaliyeed ee jooga Wadankasta iyo wadanka UK ee aan talo siinaayo sida lagu aqoonsado iyo sida loo maamulo menopause ka.

Menopauseku waa marka dumarka ow ka istaago dhiiga ama caadada ku dhici jirtay bishiiba hal mar, eeyna meesha ukuma galeenka ama ugxaha ey ka dhamaadaan ama ey ilmo dhilista ka istaagto.

Menopauseka waa wax soo mari doono dumarka oo dhan, inta ey nool yahiin.  Laakiinse qofba si ayuu ugu dhacaa, mid aad ayaa loola xanuun sadaa ama loo dareemaa, midna  wax dhibaato ah ama xanuun aadan dareemeyn. Menopauseka badanaaba waxuuw ku dhacaa dumarka da’doodu marka eey u dhaxeeyso 48 sano 52 sano.

Isbadelka ku dhacaayo jirkaaga sida oow u shaqeeynaayo inta oow ku haayo menopauseka waxaaba laga yaabaa in cuduro kale oow kuu keeno, taana aad ka dareento nolasha iyo jirkaagaba. Waa muhiin in aad aqoonsataa calaamadahan isbedalaaya ee jirkaaga iyo sababta keento, tan ugu muhiimsan waa maxaan ka qaban karnaa???

Waa muhiim in aad ogaataan aniga inaanan aheyn DHAQTAR ee kala hadal arintan iyo waxii talo ahba dhaqtarkaaga ama GP gaaga waxyaabahan ku saabsan caafimaadkaaga iyo waxii dheeraad ah ee kugu cusub ee ku saabsan Menopauseka ama xanuunada kaleba. Waxaan soo geliyay link ama NHS Wasaarada Qaranka Caafimaadka website ee ka mid ah talooyin ku saabsan Menopauseka.

Calaamooyinka waaweyn ee Menopauseka ee laga yaabo qaarkood in aad dareento waa kuwan soo socda ama calaamooying-kan kuwa ka duwan.

  • Dhidit kuleyl ah ee kaa soo daadanaayo wejiga iyo garbaha
  • Miisaan kaaga soo kordhaayo
  • Isbedelo niyada iyo isku buuq
  • Dawakh ama wareer aad dareemeeysit
  • ilowsho badan oo aad dareemeeysit
  • Madax xanuun
  • Qalbi jab
  • Naasaha oo ku danqanaaya
  • Hurdo La’aan dhididka calaa adligiis ee habeenka aadan ka hurdi Karin.
  • Xanaaq fara badan iyo dulqaadka oo kugu yaraanaayo

Inkastoo eey muhiimtahay in aad ogaato in qofkastaba oow ka duwanyahay qafka kale, laga yaabo in aad darreento xanuunada kor ku qoran qaarkood ama kuliba aad dareento teeda kale qofba si ayuu ugu dhacaa menopauska  dumarka qaarkood aad ayeey ugu xanuunsadaan  qaarna waxeey dareemaan xanuun aanan sii badneeyn, qaarna maba dareemaan.

Qoraaladeyda kale iyo fiidiyoowyaasha ayaan aga hadley xanuunadaan iyo dareenkoodaba si dheeraad ah, waxaan kaloo ka bixinaayaa talooyin ku saabsan sida aad isku caawin laheyd iyo sidii aad isku maamuli laheyd ee ku saabsan qibrad dayda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.