Jimicsiga & Nolosha

Sida aan Soomaali u nahay inteena badan waxaan u baranay nolol ku lug leh jimicsi aad u fara badan maalin walba aan sameyn jirnay. Waxaan u lugeeyn jirnay iskuulka, xoolaheena ayaan ilaalin jirnay, waxaan soo aroori jirnay biyo iyo howla kale ee aan qaban jirnay. Howlahan oo dhan waxay naga caawin jirtay jijimicsi oo u fiicnaan caafimaadkeena u wanaagsan.

Sanadihii la soo dhaafay badankeena waxaan u soo guurnay waddamaad kale oo noloshiisu aad nooga duwan tahay ama xeerkooda naga duwanyahay. Si kastaba ha noqotee, waa inaan ogaano in habka nolosheena aan u baahanahay jijimicsi badan. Jijimicsi la’aanta dhibaatooyin ayeey u keeni kartaa caafimaadkeena.

Jirkeena waxoow u baahanyahay jijimicsi joogta ah si murqaheena sifiican ey ugu shaqeeyaan ama aysan daciif u noqon iyo si aanan miisaankeena oowsan u badanin, dhibaatooyin badan ee caafimaadka la’ xiriira ayaan qaadi karnaa. Dhibaatooyinkaasi waa sida sokorowga, wadne istaaga, istarooga, iyo xaalado kale ee ku saabsan caafimaadka

Waxaan sidoo kale u baahan nahay inaan ka warhayno dhinaca kale ee qaab nololeedka. Cunista raashinka noo fiican iyo qayaasta saxda ah ee cuntadu waa muhiim. Sidoo kale waa in aan aqoonsanaa wax yaabaha ku saabsan tubaakada, khamriga la’ cabo, iyo qaadka la cuno, dhammaantoodba ay qatar nafteena u tahay. Anaga keliya ma ahan waxa  ey qater u tahay, waxaa kaloo ey Qatar u tahay familkeena  iyo ehelkeenaba.

Khadka isku xirka boggan ayaa talooyin ka heleysaan ee dhowr arrimood oo ka tirsan. Waxaan soo dhawaynaynaa ra’yigiina qiimah leh – fadlan ku soo biir boggeena.

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.