Hawlgabka Kelyaha

Hawlgabka kelyaha (kidney failure) oo Ingiriisiga loogu yaqaano “renal failure.” Marka kelyuhu hawlgabaan, jirka kama saari karaan dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka. Waxay tani dhici kartaa sababta oo ah cudur ama waxyeelo ka timi dhaawac.

Kelyuhu:

  • Waxay saaraan biyaha siyaadada ah iyo qashinka
  • Waxay dheelitiraan dheecaanada iyo kiimikooyinka jirku u baahan yahay
  • Waxay xukumaan cadaadiska dhiigga
  • Waxay xukumaan dheecaanada jirka (hormones) ee sameeya unugyo dhiig oo cusub

Kelyuhu waxay biyaha siyaadada ah iyo qashinka ka saaraan dhiigga oo u bedelaan kaadi. Ka dibna kaadida ayaa laga saaraa jirka. Dadka badidoodu waxay leeyihiin 2 kelyood. Qofku waxa uu nolol caafimaad leh ku noolaan karaa isaga oo leh hal keli.

Waxa jira 2 nooc oo ah hawlgab kelyo oo loo yaqaano mid daran (acute) iyo mid soo-jireen ah (chronic).

Hawlgabka Kelyaha ee Daran

Hawlgabka kelyaha ee daran waa kelyaha oo si kadis ah u lumiya hawl qabadkooda oo dhacda saacado ama maalmo gudahood. Sababaha waxa ka mid ah:

  • Caabuq daran
  • Gubasho daran
  • Waxyeelo ama joogsi ku dhaca dhiigga ku qulqula kelyaha
  • Dawooyinka qaarkood, iyo khamri ama isticmaalka maandooriye ama daroogo
  • Cadaadiska dhiigga oo hooseeya
  • Joogsi ku dhaca marinka kaadida
  • Hawlgab wadne

Badanaa kelyuhu way soo fiicnaan karaan marka sababta keentay dhibaatada la helo ee la daweeyo. Waxa laga yaabaa in loo baahdo sifeynta kaadida si qashinka looga saaro jidhka ilaa kelyuhu ka shaqeeyaan.

Hawlgabka Kelyaha ee Soo-jireenka ah

Hawlgabka kelyaha ee soo-jireenka ahi waxa uu dhacaa marka kelyuhu si tartiib ah u lumiyaan shaqadooda. Waa cudur nolosha qofka oo dhan jira oo aan laga fiicnaan. Sababaha waxa ka mid noqon kara:

  • Cudurada sida sonkorta/sokorowga, cadaadiska dhiigga ee sareeya iyo cudurka wadnaha
  • Dhagxaanta kelyaha
  • Gufeysan ama dhibaatooyin ku dhaca marinka kaadida
  • Lubus (lupus), oo ah cudur isdifaac jir
  • Scleroderma, oo ah cudur maqaarka iyo seedaha
  • Caabuqa soo-jireenka ah
  • Dawooyinka qaarkood oo loo qaato xanuuno kale mudo, iyo khamriga ama isticmaal-xumida maandooriye

Calaamadaha Hawlgabka Kelyaha ee Soo-jireenka ah waxa ka mid ah:

  • Barar ah jidhka, sida gacmaha, wajiga ama cagaha
  • Isbeddelo ah inta jeer ee aad kaadisid
  • Dareen ah daal badan ama tabar-dari
  • Madax xanuun iyo wareer
  • Lallabo ama matag
  • Rabitaanka cuntada oo luma
  • Dareen ah neefsashada oo dhib kugu ah
  • Maqaarka oo cuncuna

Hawlgabka kelyaha ee soo-jireenka ah ma laga bogsado. Waxa lagu daweeyaa cuntada oo la beddelo iyo dawooyin. Marka kelyaha uu ka lumo badi hawlgalkoodu, taasoo la yidhaahdo dhamaadka hawlgabka kelyaha (end-stage renal failure), kaadi-saaris (dialysis) ayaa loo baahan yahay dhawr maalmood tobobaadkii. Waxa kale oo doorasho daweyn noqon kara in kelyo lagugu talaalo.

La hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada haddii aad qabtid su’aalo ama walaac.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.