Soya Bean & Linseed Burgers – Digir Burgers

Raashinyada mid ka mid ah ee kaa caawiya calaamadaha menopause ka ama marka caaddada kaa istaago

WAA BURGARKA DIGIRTA EE UGU MACAAN

Digirtan (soya beans) asalkeeda waxaa laga keenay Bariga Aasiya. Waa digir kuus kuusan ee cad cad, ee aad ka iibsan karto dukaamada waawaayen ee raashinka. Linseeds kuna waa miro yar yar ee u eg sisinta. Sida hada aan u karineyno waa si aad u macaan badan. Burgerka digirta waxaad u cuni kartaa siyaabo badan. Mida ee aniga hada aan sameeynayo waa tan rootiga la’dhaxgeliyo. Waxaad kaloo garab dhigi kartaa khudaarta ama ansalaatada ayaad ku cuni kartaa.
Waxaad sameysaa 15 xabo

– 250g. (8 oz) Digir (soya beans)
– 50g. (2oz) Linseeds
– 1. Basal jar jar
– 2. Tuun shiid
– 1. Basbaas oo yar (hadii aad rabtid)
– 1. Qaado oo wayn kabsar caleen ah jar jar
– 1. Qaado yar oo kaamuun shiidan
– 1. Qaado yar kabsar shiidan
– Wax yar oo fil fil shiidan (hadii aad rabtid)
– 1. Ukun
– 1. Qaado weyn oo liimo
– 3. Qaado weyn oo burka caadiga ah
– 2. Qaado yar baking powder
– Saliidda aad ku karineeysid

1) Ku shub digirta iyo biyaha baaquli weyn ee dabool haku qasnaato 24 saacadood. Biyaha ka bedel 12 saacadood markeey qasnaato, hadii kale wey kaa uraysaa digirta.
2) Biyaha ka miir digirta. Ku wada shub makiinada kuli digirta, basasha, tuunta, basbaas hadii aad isticmaaleysid iyo kabsar caleenta ee isku wada shiid.
3) Markaad shiido digirta ku gedi baaquli weyn, ee ku dar burka, baking powderka, ukunta iyo linseeds ka ee gacanta ku qas. Markaad kuli is ku qastid gacnaha iska dhaq, biyo yar weel ku soo shubo ee gacantaada qoyaan ka dhig marka aad kuus kuuseysid hadii kale gacnahoow kaaga dheg dhegaayaa. Intaad kuus kuusto muufo yar yar oo kale ka dhig ama burgerka oo kale.
4) Birtaawada kululeey ee ku shub saliid yar saar saar digir burgerka aad kuus kuustay ee dabool ilaa iyo labo daqiiqo daboolka ka qaad ee u gedi dhinaca kale hadana dabool. Iska ilaali yoowsan kaa gubanin. Digir burgerka waa kuu diyaar ee cun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.